Guddoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ahna Kusimaha Madaxweynaha ayaa xafiisyo cusub oo ku shaqeyb doonaan ku wareejiyey 15-ka Guddi ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta xafiisyadooda ku wareejiyay ilaa sedax gudi oo ka tirsan golaha shacabka oo kala ah gudiga xuquuqul insaanka ,Guddiga arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo sidoo kale gudiga Howlaha guud,waxaana Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah gudiga howlaha guud ee golaha shacabka uu u mahad celiyay guddoonka golaha shacabka.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa Gudoonka ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee ay qabteen. In gudiyada golaha shacabka ay helaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan waxa ay gudiyada u sahleysaa in ay helaan meel loogu soo hagaago oo ay ku qaban karaan howlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin la xisaabtanka iyo kor joogteynta Hay’adaha Dowladda.
Ilaa laba iyo Toban xafiis oo ay ku shaqeyn doonaan 13-gudi ayaa weli harsan kuwaasoo dhawaan lagu wareejin doono gudiyadii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan sida guddoonka golaha shacabka uu sheegay.