Friday, July 4, 2025

Guddiyada Doorashooyinka & Xuduudaha oo cod loo qaadayo (Ma guuleysan doonaa Madaxweynaha)

Baarlamanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta  cod u qaado Guddiyadii Qaran ee doodooda socotay maalmihii danbe oo ay ka mid yihiin Guddiga Xuduudaha iyo Guddiga Doorashooyinka oo ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo federaalka ayna ansxisay Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u codeeyay fadhigoodii hore in codka la qaadayo uu noqdo mid qarsoodi ah, waxayna aad uga horjeedaan xubno ka mida guddiga Doorashooyinka oo la sheegay inuu wato madaxweynaha ayna u horeyso Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey).

XaliimaYereey

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa olole weyn ugu jiray sidii guddiyadan loo ansixin lahaa, waxaana la ogaan doonaa inuu qorshihiisa guuleystay iyo inkale sida loogu codeeyo guddiga kadib guushii weyneyd ee uu ka gaaray doorashadii madaxweynaha Galmudug oo loo doortay C/kariin Xuseen Guuleed.

Guddiyadan Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ayaa ah tallaabo aad muhiim ugu ah Hiigsiga sannadka 2016-ka ee l a doonayo in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah oo ilaa iminka aan la ogeyn sida lagu xaqiijin karo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON