Sunday, July 20, 2025

Guddiyada Doorashooyinka & Xuduudaha oo dhaarintoodii dib u dhac ku yimid

Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan ku yeelanaya xaruntiisa Muqdisho kadib markii ay fasaxii ciidul fitriga ka soo laabteen, waxaana la filayaa in kulanka maanta lagu dhaariyo xubnaha Guddiyada doorashooyinka iyo Xuduudaha oo dhowaan ay ansixiyeen Baarlamaanka.

guddiyada

 

Guddiyada Qaran ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ayuu baarlamaanku cod qarsoodi ah ku ansixiyay, waxaana kasoo horjeestay oo sheegay inaysan aqoonsaneyn maamulada Puntland iyo Juba oo ku doodaya inaan lagala tashan.

Guddiyadan oo muhiim u ah hiigsiga 2016 waxaa dhaqaalaha ay ku shaqeeyaan bixinaya beesha caalamka, waxayna warbixinta siinayaan oo la xisaabtamaya baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkii la filayay inuu maanta qabsoomay ayaa baaqday kadib markii ay soo xaadiri waayeen tiro xildhibaano ah oo kooramka buuxsami waayay, taasoo keentay inay dib u dhacdo dhaarintii guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON