Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa qaar ka mid ah guddiyada golaha shacabka ku wareejiyay xafiisyo cusub oo ay ku shaqeeyaan oo dhowaan loo qalabeeyay.
Guddoomiyeyaasha guddiyada lagu wareejiyay xafiisyada cusub ayaa ka mahad celiyay xafiiisyada loo sameeyay inay ku shaqeeyaan oo ay marar badan codsaeen inay yeeshaan xafiisyo, taasoo ugu danbeyn suuragal noqotay maanta.
Guddiyada xafiisyada lagu wareejiyay waxaa ka mid ah:
1. Guddiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee golaha shacabka.
2. Guddiga difaaca ee golaha shacabka.
3. Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka.
4. Guddiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka.
5. Guddiga beeraha ee golaha shacabka.
“Runtii xafiisyadaan cusub ee naloo dhisay wax weyn ayay shaqadeena ku soo kordhinayaan waana ugu mahad celineynaa guddoomiyaha talaabada wanaagsan ee uu qaaday” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyada golaha kula dardaarmay iney shaqooyinkooda sii laba jibaaraan maadaama loo dhisay xafiisyadii ay u baahnaayeen.
Guddoomiye Mursal waxaa wareejinta xafiisyada ku wehlinaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey), Habdhowra golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux), la-taliyaha Guddoomiyeha Baarlamaanka Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).