Sunday, July 13, 2025

Guddmooyihii Biyo-Xireenka weyn ee Itoobiya oo la shaaciyey in toogasho lagu khaarijiyey Addis ababa [Sawirro]

War kasoo baxay ciidamada Booliska Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyey in geeridii ku timid Guddoomiyihii Mashruuca Biyo xireenka weyn ee Abay ee  dalka Itoobiya Simegnew Bekele uu ka dhashay rasaas lagu dilay.

Shir jaraa’id oo magaalada Adis ababa uu ku qabtay taliyaha Booliska ayuu ku shaaciyey in baaritaanka bilowga ah ee geerida Simegnew Bekele ay caddeyneyso in xabbad looga dhuftay madaxda iyadoo mid ka mida dhegihiisa hoosteeda laga helay duleel ay xabbadu ka gashay dhinaciisa laga helay Bistooladii lagu dilay.

Booliska ayaa sheegay inuu weli baarayo dilka, isla markaana la ururinayo macluumaad ku saaban falkaasi oo naxdin weyn ka dhaliyey dalka Itoobiya oo dhan, waxaana dadweynaha Itoobiya ay ku jiraan naxdin ka dhalatay ninka madaxda ka ahaa biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay mustaqbalkeeda horumar ku xirtay.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wargeliyay dilka loo geysay Injineer Simegnew Bekele xilli uu maanta socdaal uga bilowday dalka Mareykanka, wuxuuna  diray tacdi isagoo sheegay inuu aad uga naxay, sida ay shaaciyeen kaaliyeyaashiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON