Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa fasax u diray xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi, isgoo shaaciyay inuu xiran yahay kalfadhigii 5aad.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug oo taabacsan Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayuu ku sheegay in xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ay fasax galeen iyadoo uu xirmay kalfadhigii 5aad.
Qaar ka mida xildhibaanada Galmudug ayaa hore xilka uga qaaday guddoomiye ku xigeenkan oo ah mas’uulka kaliya ee guddoonka Baarlamaanka uu ka heyso Xaaf, waxaana xilliga uu warkan soo saarayo isla Cadaado ku sugan guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Arrintan ayaa soo baxday xilli xildhibaanada Galmudug ay muddo kale u qabteen doorashada madaxweynihii bedeli lahaa Axmed Ducaale Xaaf.
Goobjooge