Monday, June 23, 2025

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo jawaab cad u diray Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya [Akhriso]

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa jawaab Cad u diray wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Jawaabta Cabdi Xaashi ayaa ka dambeysay markii Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Mechel Keating uu ku muujiyay walaac ku saabsan inaan haween lagu soo darin Guddiga Dastuurka ee labada aqal.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in Dastuurka Soomaaliya uu caddeynayo saamiga haweenka sidaas darteedna aysan jirin ku talagal toos ah haweenka loogana qoondeyn waayay Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Gole.

Ad

Qoraal ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa lagu sheegay in Guddiga labada aqal ee dib u eegista Dastuurka markii loo tartamayay ay isu sharaxday haweeney kaliya, balse aysan ku guuleysan in la doorto.

Wuxuu sheegau in 54-ka xubnood ee Golaha aqalka sare ay 13 ka mida yihin Haween, doorashada 5-ta xubnood ee aqalka sare u mataleysana ay si caddaalad ah iyada oo aanay jirin cid gaar ah looga saaray.

- Advertisement -

Qodobka 133-aad ee Dastuurka Soomaaliya ayaa faraya in Gole kasta oo ka mid ah labada aqal laga rabo in ay soo doortaan shan xubnood oo ku matasha dib u eegista dastuurka, Aqalka sarena uu mas’uul ka yahay shanta xubnood ee uu doortay sidaasna ay doorashadooda ku dhacday.

Caddeytna uu bixiyay Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ku soo beegantay iyadoo xubin ay maanta doorteen Aqalka sare markii uu Guddga Dastuurka iska casilay C/raxmaan Faroole uu ku soo baxay C/llaahio Fartaag oo sidii la filayay aanay ku soo bixin haweeneydii la tartantay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON