Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan oo ay weheliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka ayaa u dhoofay maanta Magaalada Qaahira ee Wadanka Masar. Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada la socda ayaa halkaa uga qeyb galaya Shirka Baarlamaanada Jaamacadda Carabta oo halkaa ka furmaya.
Prof. Jawaati ayaa sheegay in shirkaasi ay iskugu imaanayaan Baarlamaanada Jaamacadda Carabta uu geyn doono ajendayaal ku saabsan xaalada Soomaaliya oo Jaamacadda Carabta ay la wadaagi doonaan.
Shirka Baarlamaanada Jaamacadda Carabta ayaa halkii Sanaba mar lagu qabtaa Magaalada Qaahira Ee Caasimadda wadanka Masar, waxaana ka qeyb gala xubnaha Baarlamaan kasta uga midka ah, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee Guddoomiye Jawaari uu shirkaasi ka qeyb galo.
Goobjooge.com