Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta yeshay fadhigii saddexaad intoo la doortay, waxaana la horeenay Jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 66 xildhibaan ayaa ka dambeeyay markii Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug uu maanta iska dhex doortay Guddoonkooda, iyadoo ay ka maqan yihiin 5 xubnood oo ka yimid Ahlu suna, waxaana jadwalka ansixiyey Baarlamaanka Galmudug.
Musharixiinta xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa hysta muddo 9 maalmood ah oo ay isu diiwaangeliyaan una ololeeyaan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, waxaana weli Baarlamaanka ka maqan 20-ka xildhibaan ee Ahlu suna soo magacawday.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa qaaday tallaabo uu Baaralmaanka uga sharciyeayay jadwalka doorashada taasoo ah arrin looga hortagayo qorshaha Ahlu suna ku soo dooneysay carqaladeynta Doorashada Madaxweynaha.