Thursday, June 26, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo caddeeyay in Xabsi Guri la geliyay [Dhageyso]

Gudoomiyaha Baaralamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa  xaqiijiyay in xabsi guri ay ku jiraan oo aanay ka bixi karin xarinta Madaxtooyadda magaalada Cadaado.

Mudane Cali Gacal Casir oo la hadlay ayaa sheegay in maruu damcay inuu ka baxo xarunta loo sheegay inaan ammaankiisa la sugi karin oo uu khatar wajihi karo haddii uu dibadda u baxo sida ay u sheegeen ciidamada ilaalada ka ah xarunta, ayna u diideen inuu ka baxo.

Wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey Iyo Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka la geliyay Xabsi guri loona diday wax dhaqdhaqaaq ah.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo khilaaf soo kala dhex galay madaxda maamulkaasi ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu xabsi guri ku geliyay madaxdii maamulkaasi, taasoo xaaladda uga sii dartay, waxaana laga cabsi qabaa in arrintaasi ay uga sii darto khilaafka ka taagan Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON