Thursday, June 26, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo eedeyn u jeediyay xildhibaanadda jooga Cadaado

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku eedeeyay xildhibaannadii labada Aqal ee Cadaado u tegay xalinta khilaafka madaxda Galmudug inay dhinac ahaayeen, kana run sheegin qodobka salka u ah khilaafka.

“Markii aan is aragnay waxaan u sheegnay qodobada la isku hayo ee khilaafka keenay, waxay noo sheegeen inaysan arintaas u imaan, laakiin ay doonayaan oo kaliya inay dhinacyada iska soo horjeeda isku keenaan’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo caddeeyay inay xildhibaannadaasi diideen soo hadal qaadka go’aankii Xaaf ka qaaday arrinta Khaliijka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir

Arrinta kale ee ay iska indha tireen ayuu sheegay Guddoomiye Casir ayuu sheegay inay ajayd  xil ka qaadistii xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ku sameeyeen madaxweyne Xaaf, wuxuuna waxba kama jiraan ka dhigay faragalinta lagu eedeynayo dowladda Federaalka.

“Dadka in la marin habaabiyo ma aha, khilaafkan waa mid u dhaxeeya mas’uuliyiinta Galmudug ma fiicna eedeynta in lala aado meel aysan jirin, wax saameyn ah kuma laha dowladda federaalka’’ ayuu yiri Cali Gacal Casir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON