Wednesday, July 16, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo lagu xayiray Garoonka Nairobi, laguna celinayo Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Caawa lagu xayiray mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa lagu xayiray Garoonka magaalada Nairobi, waxaana mas’uulkan loo diiday inay galo magaalada Nairobi, kadib markii la siin waayey Visa-ha dalkaasi, waxaana la sheegay in saraakiisha Socdaalka dalka Kenya ay dib ugu celinayaan magaalada Muqdisho maalinta Berri ah.

Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa lagu wadaa inuu Berri ku soo laabto magaalada Muqdisho oo markii hore uu ka dhoofay, waana markii labaad ee dowladda Kenya ay Garoonka magaalada Nairobi kasoo celiso mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo maamul Goboleedyada, iyadoo hore wasiir ku xigeen iyo laba senator laga soo celiyay garoonkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON