Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa laga badbaadiyay Mooshin ay ka keeneen xildhibaanada Hirshabeelle.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay xildhibaanadii mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Maxamed Barre ay ku dhawaaqen inay dib ula laabteen mooshinkii ay ka gudbiyeen.
Waxaa arrintan waanwaan ka galay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe. Kulan afur ah oo ka dhacay Jowhar ayaa Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Caddow oo u hadlay xildhibaanadii ka gudbiyay mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay dib ula laabteen mooshin ay saxiixeen 39 xildhibaan iyagoo eegaya midnimada baarlamaanka iyo duruufaha adag ee baarlamaanka Hirshabelle.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Maxamed Barre ayaa si weyn ugu farxay arrintan, isagoo sheegay in ay ula mid tahay habeenkii loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka maadaama mooshinka lagala noqday.
Waxaa weli ka taagan magaalada Jowhar mooshin ay xildhibaanada Hirshabeelle doonayaan inay ka gudbiyaan madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, kaasoo isna dadaal loogu jiro in la xaliyo.
Goobjooge