Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa jawaab culus ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray madaxweynihii hore ee maamulkaasi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay qadarinayaan madaxweynihii hore, balse aanay jirin cid qabsatay ama qabsan karta Hirshabeelle, arrintaasina aanay waxba ka jirin wararka uu ka sheegay magaalada Beledweyne.
“Annaga cosoble qadarin ayaan u haynaa, waa madaxweynihii hore, laakiinse xil aan ku ognahay ma jirto, wuu isa soo sharixi karaa haddii uu doono, laakiinse waxaan idiin sheegayaa in marnaba aysan macquul noqon doonin inuu sheegto madaxweyne, ama yiraahdo meel hebel baan ku talinayaa” ayuu yiri guddoomiyaha Sheekh Cismaan Barre.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo shalay tegay magaalada Beledweyne ayaa sheegtay inuu yahay madaxweynaha Hirshabeelle, kadib markii laga qabsaday magaalada Jowharna uu u wareegtay Beledweyne.