Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamd Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shaaciyay in fadhiga lixaad ee Baarlamaanka uu socon doono inta laga idleynayo sharciyada iyo howlaha hor yaalla Baarlamaanka.
Mudane Jawaati ayaa fadhigii maanta ee Baarlamaanka ka akhriyay qodobka 24aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka oo ku saabsan Kalfadhiyada Golaha Shacabka, si gaar ahna farqada 5-aad oo araneysa “Fadhiyada ama kalfadhiyada waxey soconayaan ilaa laga dhameeyo ajandaha hor yaala golaha iyo Hindise Sharciyeedyada deg degga ah”
Waxaa markii hore qorsheysneyd n Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka uu soo xirmo 27-ka bishan Ogost, laakian go’aankan ayaakeenaya in Kalfadhigu sii furnaado iyadoo aan waqti loo cayimin. Baarlamaanka ayaa waxaa hadda hor yaalla hindisyo sharciyeedyo ka sokow mooshin laga keenay Madaxweynaha.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]