Monday, June 23, 2025

Guddoomiyaha Baarlamanka oo kulan la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya [Sawirro]

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska (UK) u fadhiya Soomaaliya Amb. David Concer.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, xoojinta xiriirka labada dowladdood ee Soomaaliya iyo UK. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen doorashooyinka madaxtinimo ee dowlad goboleedyada dalka ka jira gaar ahaan doorashada dowlad goboleedka Soomaliyeed ee Koofur galbeed Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa safiirka warbixin ka siiyay shaqooyinka horyaalla Golaha Shacabka iyo sharciyadii ugu dambeeyay uu Golaha Shacabka ansixiyay.

Waxa uu kaga mahad celiyay kaalinta wanaagsan ee dowladda UK ay ka qaadaneyso hormarinta iyo nabadeynta Soomaaliya.

” Mudane safiir aad baa ugu faraxsanahay inan mar kale halkaan ku kulano, waxaan rabaa inan halkaan ka cadeeyo in dowladda UK aan abaal weyn u heyno, Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso xiriirka wanaagsan ee naga dhaxeeya”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Image may contain: 1 person
Image may contain: 1 person
Image may contain: 2 people, people sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON