Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in Baarlamaanka uu hor yimaado guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa laga doonayaa inuu faahfaahin ka bixiyo lacag uu sheegay in laga xaday Bankiga Dhexe oo ka badan Nus Milyan Doolar, waxaana siyaasiyiinta qaarkood ay hore u dalbadeen in xilka laga qaado.
Xidlhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in lacag tirada la sheegay ka badan laga xaday Bankiga, loona baahan yahay baaritaan weyn in la sameeyo.
Dhageyso Xilidhibaanka
Goobjooge.com