Monday, July 14, 2025

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo Puntland ku eedeeyay inay daabacdo Lacagaha been abuurka ah ee Shilin Soomaaliga

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka war bixiyay  Lacago Shilin Soomaali Been abuur ah oo maalmihii ugu danbeeyay lagu arkay Koonfurta Soomaaliya.

Bashiir-Ciise
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali

Guddoomiye Bankiga Dhexe ayaa sheegay  in lacagta been abuurka ah lagu sameeyo degaanada Maamulka Puntland, ayna keentay sicir barar ku riday dadka Soomaaliyeed ayna la imaan doono dhibaato dhaqaale. “Waa wax laga xumaado in Puntland oo ka mid ahayd Nidaamka Federaalka laga soo saaro lacag sharci daro ah oo  lagu dhaawacayo dhaqaalaha Puntland iyo Dalka Soomaaliya oo dhan” ayuu yiri Guddoomiye Bashiir oo si cad u caddeeyay markii ugu horeysay in Puntland ka dambeyso lacagaha shilin Soomaaliga ah ee suuqyada soo gashay.

Bashiir Ciise wuxuu sheega in Bankiga dhexe uu wado dadaal  uu la kaashanayo Hay’addaha Caalamiga si qaab nidaamsan iyo waqtiga kuu haboon loo soo saari lahaa lacag Shilinka Soomaali ah oo tayo leh, wuxuuna intaas sii raaciyay inuu socdo heshiis ay Soomaaliya la gashay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Waxaa hore loo ogaa in Magaalada Boosaaso lagu sameeyo lacagaha Been abuurka ah ee shilin Soomaaliga iyadoo ay maamulka Puntland iyo ganacsato iska kaashadeen sameynteeda, waxaana suuqyada Puntland ay si weyn u soo gashay horaantii bishan September.

DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA BANKIGA DHEXE

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON