Monday, June 30, 2025

Guddoomiyaha Barlamanka oo ka gaabsaday sharcinimada kala dirista Guddigii Maaliyadda

Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horeysey ka hadley kala diristii guddiga maaliyada baarlamanka ee uu sameeyey gudfoomiye ku xigeenkiisa koowaad.

Gudoomiye Mursal oo hadda ku sugan dalka Turkiga, ayaa sheegey inuu beri tegi doono Muqdisho, dibna ay u eegi doonaan go’aanka kala dirista gudiga maaliyada, si loo xaqiijiyo inuu waafaqsan yahay xeer hoosaadka barlamanka.

Guddoomiye Mursal ayaa ka meermeeray sharcinimada kala dirista Guddiga Maaliyadda, isagoo sheegay in marka uu ku laabto dalka uu arrintaasi sharcinimadeeda dib u eegi doono.

Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu ku sheegay inuusan mowqif ka qaadan arrintaasi, taasoo meesha ka saareysa warar lagu sheegay inuu ka hor yimid kala dirista Guddiga Maaliyadda, wuxuuse ka hor yimid ciidamada dowladda Federaalka u dirtay magaalada Baydhaba.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON