Monday, July 7, 2025

Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo taliye u magacaabay xarunta Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale uu xilkii ugu horeeyay ee uu magacaabay wuxuu noqday Taliyaha Amaanka xarunta Dowladda Hoose ee Xamar iyo ammaanka guddoomiyaha Gobolka.

Taliyahan cusub ee  xilka loo  magacaabay ayaa ah C/salaan Cumar Dheere (Askari) oo hore u ahaa taliye xigeenkii Saldhiga Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in taliyaha cusu ay qaraabo dhow yihiin guddoomiyaha cusub ee Gobolka banaadir iyadoo uu madaxdii ammaanka ee hore uu raacay guddoomiyihii hore ee Muungaab.

Caadiyan taliyeyaasha ammaanka shaqsiga ah ee wasiirada, agaasimeyaasha iyo madaxda kale ayaa laga dhigaa shaqsiyaad aad ugu dhow mas’uulka oo ay isku aamini karaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON