Monday, June 23, 2025

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo shaaciyay Qodobka ugu weyn shaqadiisa Cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo duq cusub ee Muqdisho ayaa ka hadlay xilka loo magaaabay iyo arrinta uu muhiimadda koowaad siin doono.

Wuxuu sheegay howsha ugu weyn ee uu muhiimadd siin doono ay tahay inuu u shaqeeyo muwaadiniinta caadiga ah  ee Gobolka Banaadir iyo reer Muqdisho iyadoo aan loo eegeyn cidda ay yihiin.

Isagoo u mahadceliyay dadka hambalyada u soo diray markii xilka loo magacaabay ayuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in xaqsoor loogu adeego. “Dadkeena waxay istaahilaan in loogu adeego si cadaalad ah” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi.

Ad

Farriimo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Washingtion oo arrimo xil wareejin ah ku howlan yahay.

Khamiistii hore ee 6-da April 2017 ayaa xilka guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaabay Taabit  Cabdi Maxamed oo hore  u ahaa Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Washington.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON