Guddoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari Jaamac Maxamed Quurshe ayaa xaqiijiyay in kooxda Daacish ay la wareegeen degmada.
Gudoomiyaha degmada in maamulka degmada ay iskaga baxeen degmada, isaguna uu ku sugnaa magaalada Boosaaso. wuxuuna intaas ku daray in kooxda daacish ay calankeeda ka taageen xarumaha maamulka degmada Qandala ee gobolka Bari.
Dadka degaanka Qandala oo cabsi weyn la soo deristay ayaa isaga qaxaya degmada, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in maamulka Puntland ciidamo u diray Qandala.
DHAGEYSO GUDDOOMIYAHA QANDALA