Guddoomiyihii degmada Shibis ee Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Sayid Cali Xuseen ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo lagu soo eedeeyay musuqmaasuq uu ku kacay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Shibis C/raxmaan Sayid Cali, iyadoo kadibna la xiray, waxaana la sheegay inay ku socoto baaris.
Sida uu sheegayo War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir waxaa guddoomiyaha Degamada Shibis lagu xiray xarunta CID-da, si baaris loogu sameeyo falal musuq la xiriira oo loo heysto.
Wararka laga helay dadweynaha degmada ayaa sheegaya in Guddoomiyaha xilka laga qaaday lagu soo eedeeyay inuu canshuur isaga u gaara ka qaadayey Guryaha Degmada Shibis oo diiwaangelin lagu sheegay.
Waa Guddoomiyihii ugu horeeyay ee isagoo xil haya loo xiro arrmo musuqmaasuq ah maamulka G/Banaadir.