Xiisad ka dhalatay degaanka Garasbaay ee duleedka Muqdisho ayaa keentay iska hor imaad dhex maray maamullo isku haya degaankaasi.
Muranka ayaa bilowday kadib markii guddoomiyaha degmada Deyniile C/weli Nuur Faarax uu sheegtay inuu degaankaasi hoos yimaado degmadiisa, isagoo guddoomiye Waaxeed u magacaabay.
Guddoomiye Waaxeedka Daahir Xuseen Cali ayaa isku dayay inuu degaankaasi tago, taasoo kentay inuu iska hor imaad dhex maray maamulka degaanka Garasbaaley iyo guddoomiye Waaxeedka ayaa la sheegay in lagu dilay askari iaalo u ahaa guddoomiye Waaxeedka, waxaana ku dhaawacmay lix qof.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah arrinta ka taagan degaanka Garasbaaley soo farageliyay ayaa dhinacyada is haya kula taliyay inay xaaladda u daayaan sidii hore iyadoo xal kama dambeys ah laga gaari doono degaankaasi.
Degaanka Garasbaaley ayaa olole ugu jiray inuu noqdo degmo iskeed u taagan, taasoo ay hore uga hor yimaadeen degmooyinka Kaxda iyo Dayniile, waxaana hadda xaaladan soo kiciyay guddoomiyaha cusub ee Deyniile oo kiciyay qalalaasaha hareeyay degaankan.
Goobjooge