Monday, July 14, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo taageero caafimaad oo dibadda ah u fidiyey Gabadhii uu dhaawacay Askari Puntland ah [Sawirro]

Guddoomiyaha G/Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Axme ayaa deeq caafimaad oo dalka dibaddiisa ah u fidiyay gabadhii uu waxyeelada u geystay askari ka  tirsan ciidamada Puntland.

Faaisa Cabdi Xaye ayaa maanta laga dhoofieyay Garoonka magaalada Muqdisho, iyadoo ay raaceen labadeeda waalid, waxaana lagu wadaa in xaaladeeda caafimaad lagula tacaali doono isbitaal ku yaalla dalka Turkiga, iyadoo uu kharashka bixinayo guddoomiyaha G/Banaadir.

Waxaa Faa’isa ay qabtay dhaawac qeybta hoose ee jirkeeda oo uu xabad kaga dhuftay Askari ka tirsan Ciidanka Puntland kadib markii uu isku dayay in uu kufsado, kaasoo hadda ku jira gacanta maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Faa’iza ay dib u dhacday markii ay xiligaan soo gaartay, balse uu rajeynayo in la geyn doono Isbitaalka ugu wanaagsan ee Turkiga, dadkana wuxuu ugu baaqay inay u soo duceeyaan.

DHAGEYSO GUDDOOMIYE THAABIT

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: one or more people and people sitting

Image may contain: 3 people, people smiling

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON