Sunday, July 6, 2025

Guddoomiyaha G/Banadir oo magacaabay Guddoomiyeyaal Degmo cusub (Magacyada)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaaani ayaa Guddoomiyaal cusub u magacaabay saddex ka mida degmooyinka gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Duqa Muqdisho ayaa xilalkii looga qaaday Guddoomiyeyaashii degmooyinka Boondheere, Hodon iyo Waaberi, waxaana degmooyinkaasi loo magacaabay xubnaha soo socda:

1- Maxamed Cabdullaahi Cumar (Deeyo) ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha degmada Boondheere.

2- Maxamed Sayid Cali ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha degmada Waaberi.

3- Cali Axmed Farax ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha degmada Hodan.

Dhammaan xubnaha loo magacaabay xilalka Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir ee dhalinyaradda ah ayaa ka mid ahaa taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo qaarkood Baraha bulshada ay si weyn ugu difaaci jireen, kana tirsan yihiin xisbigiisa.

Magacaabiddan ayaa imaaneysa iyadoo maanta lagu wado in la shaaciyo guddoomiye ku xigeenada cusub ee Gobolka Banaadir, taasoo ka dhigeysa in lagala hor maray guddoomiye ku xigeenada cusub si aanay talo ugu yeelan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON