Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Waddo muhiim u ah Muqdisho [Sawirro]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay wado muhiim u ah Magaalada Muqdisho, taasoo dhismo lagu bilaabay.

Wadadan oo Hormarta Dugsiga tababarka Ciidanka Boliiska ee General Kaahiye gaar ahaan aga’gaarka tiirka cadaalada ee Degmada Xamarjajab ayaa waxaa maanta dhagax dhigay Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed wadadaan oo in muda ah bur bursaneed islamarkaan isticmaalkeeda ay dhibaatoyin ku qabeen gaadidka iyo bulshada,

Goobta dhagaxdhiga waxaa goob joog ka ahaay gudoomiye kuxigeenada Gobolka Maamulka Degmada xamar Jajab iyo qeybaha bulshada rayidka, Gudoomiyaha Degmada xamar Jajab ee Gobolka Benaadir CabdiWali Cabdullahi Maxamed ayaa maamulka gobolka Benaadir ugu mahad celiyay mash ruuca lagu dhisaayo wadadani,

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhismaha wadadaani tahay mid muhiim u ah iskuna xirka garoonka Aadan Cade iyo qeybaha Magaalada Muqdisho.

Tan iyo markii Guddoomiye Thaabit Xilkaan loo magacaabay waxaa isbadal weyn ku dhacay Maamulka Gobolka Banaadir isagoo qabtay waxyaabo badan muddada kooban ee uu xilka hayo.

Daawo sawirada

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON