Thursday, June 26, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo safar shaqo u baxay xilli uu raacay Diyaarad rakaab ah [Sawirro]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay inuu dadkiisa iyo shacabkiisa Soomaaliya mar kasta ku dhex jiro.

Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sameeyey arrin taariikh ah kadib markii uu dhinac ka raacay diyaarad rakaab aheyd oo u socotay dalka Kenya isagoo halkaas kasii aadi doono Magaalada Adis Ababa oo uu arrimo shaqo u aadayo.

Guddoomiyaha ayaa la arkay isagoo raacayo diyaarad shacab ah oo u socotay dalka Kenya isla markaasna ku dhex jiro bulshada dhexdeeda, wuxuuna intii ay diyaarada sii socotay xog wareysi iyo sheeko la yeeshay dad badan oo diyaarada saarnaa oo ay kamid ahaayeen dhallinyaro.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa qaatay qadiyada ah inaan lacagta loogu talagalay in shacabka loogu adeeggo aanan lagu kireysan diyaarado khaas ah, taas badalkeedana wuxuuna qaatay inuu dadweynaha dhinaciisa ka raaco.

Midda lala yaabay ayaa aheyd markii Guddoomiye Thaabit uu diiday inuu raaco koox ka socotay safaaradda Soomaaliya iyo Kenya oo doonayey inay guddoomiyaha ka qaadaan garoonka Diyaaradaha, balse wuxuu u sheegay inuu kamid yahay shacabkiisa Soomaaliyeed sidaas darteed uu dhiniciisa ka gelayo safka.

Guddoomiyaha ayaa lagu wadaa inuu Nairobi kasii aado Adis Ababa oo la filayo inuu halkaas uga qeybgalo shirar iyo kulamo lagu doonayo in lagu hormariyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Caasimadda Muqdisho.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirrada 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON