Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisu soo bandhigii doono qorshe ammaanka caasimadda wax looga qabanayo.
Wuxuu sheegay inay ahmiyadda ugu weyn siin doonaan arrimaha amniga, wuxuuna shaaciyay inay dhowaan soo bandhigi doonaan Qorshe amniga Caasimada wax looga qabanayo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhisi doonaan Guddiga Amniga Gobolka Banaadir iyo Guddiyada amniga ee heer degmo, wuxuuna intaas ku daray in howsha ugu weyn ee hortaalla ay tahay xaaladda ammaanka.
Wuxuu kaloo ka haldlay musuqmaasuqa hareeyay dowladda federaalka, wuxuuna ballan qaaday inuu qaadi doono tallaabooyin lagula xisaabtami doono cid kasta oo mas’uuliyad heysa, heer degmo illaa heer gobol.
Guddoomiye Tabit oo muddo bil ah xilka haya ayaa qiray inay jirto cadaallad darro iyo garsoor la’aan, isaguna uu magaalada ku soo noolaa oo wax badan kala socdo tabashada dadka dadaalna u geli doono sidii wax looga qaban lahaa.
Goobjooge.com