Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay shil uu ku lug yeeshay mid ka mida gawaarida gaashaaman ee AMISOM oo si fool xun ugu jiiray gaari qof muwaadin ah uu watay.
Sawirrada iyo video laga qaaday shilkaasi ayaa gilgilay baraha bulshada, waxaana la arkayay gaariga AMISOM oo lagu garaangirinayo Gaariga yar ee shacabku wateen.
“Waxaan aad uga xumahay falka ay maanta geysteen ciidanka AMISOM, Waxaan la xiriiray madaxda ugu sareysa Amisom oo aan kala hadley falka ay maanta geysteen jawaab ayaana ka sugeynaa in ay ka bixiyaan..” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo farriin degdeg soo diray, wuxuuna intaas ku daray inu raaligelin ka bixinayo.
“Waxaan raali gelin u dirayaa Muwaadinka Soomaaliyeed ee Gaarigiisa waxyeellada ay kasoo gaareen. si buuxda ayaana ula xisaabtami doonnaa shalay maanta maahan wey dhamaatey wakhtigii muwaadinka Soomaaliyeed dalkiisa lagu waxyeeleeyo xaqiisana uu waayo u-jeedkeenu waxaa waye arinka maanta dhacay in uusan dib dambe u dhicin..” ayuu farriintiisa ku yiri Duqa Muqdisho.
Arrintan ayaa ka danbeysay maalin uun markii ay maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda AMISOM ay ka wadahadleen shilalka AMISOM ay ku galaan Waddooyinka Muqdisho.