Sunday, June 22, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xil ka qaadis iyo ruqseyn isugu sare Mas’uulkii Maaliyadda Gobolka [Wareegto]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed xil ka qaadis iyo ruqseyn isugu daray mas’uulkii maaliyadda Gobolka Banaadir.

Wareegtada ka soo baxday Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa xilkii looga qaaday Khasnajigii Guud ee dowladda Hoose C/raxiin Iimaan Jimcaale, waxayna arrintan ka dambeysay markii ay soo jeedisay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka Xaaji Dheere.

Xilkan ayuu Guddoomiye Taabid u magacaabayXamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Xubinta Khasnajiga ee dowladda Hoose, tan oo sii kordhineysa madaxda gobolka ee haweenka ah oo horeba u tiro badnaa.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay ka danbeysay markii ay isku dhaceen khasnajiga iyo Guddoomiyaha Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka  oo iskeed ay shaqo joojin ugu sameysay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa intii uu madax ka noqday maamulka Gobolka wuxuu xilalkii ka qaaday tiradii ugu badneyda madaxda gobolka iyo degmooyinka, iyagoo haween u fara badan ku soo daray.

AKHRISO WAREEGTADA

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON