Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimacaale ayaa amar ku bixiyay in la furo wadooyinka la xiray xiligii doorashada socotay.
Wuxuu faray gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir inay furaan wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho.
Wadooyinka la furayo ayaanu wax faahfaahin ka bixin iyadoo wadooyinka waaweyn ee muhiimka ah ay u xiran yihiin madax ka tirsan dowladda oo maamulka Gobolka Banaadir ka mid yahay.
Marar badan ayuu Gudoomiye Boorsaani ku dhawaaqay amarro noocan oo kale ah, iyadoo aanay waxba ka hirgelin. Waxaana doorashadii ugu danbeysay ay keentay in wadooyinkii yaryaraa jid-cadayaasha dhagaxyo iyo carro lagu xiro kadibna looga tago.
DHAGEYSO
Goobjooge.com