Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa bixiyay balanqaadyo waaaweyn oo ku saabsan ammaanka iyo cadaaladda Gobolka Banaadir.
Wuxuu balanqaaday inay ogolaan doonin Guri xoog lagu heysto magaalada Muqdisho, haddii jirtana ay heystaan waqti ah dib u celiyaan, isagoo sheegay inay ka daba tegi doonaan qof kasta oo guri aysan lahayn heysata.
Mudane Taabit oo ka hadlayay xaflad si weyn loogu taageeray ayaa caddeeyhay in cadaaladda ay saldhig u tahay ammaanka, ayna wax weyn ka qaban doonaan sidii cadaaladii u soo noqon lahayd.
DHAGEYSO
