Monday, December 16, 2019
More

    Muxuu Xasan Kheyre uga duwan yahay Ra’iisal wasaareyaashii hore..? [Akhriso Cadaadiska saaran Wasiirada]

    Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la soo baxay dardar iyo la xisaabtan wasiirada xukuumadiisa, taasoo isbedel weyn ku keentay shaqadii wasaaradaha.

    Mudane Kheyre ayaa la yimid xisaabtan joogto ah oo uu ku sameynayo wasiirada iyo kormeero aan kala joogsi lahayn, waxayna arrintan culeys weyn ku keentay wasiirada xukuumadda ka mida oo aan hore u arag arrimahan.

    Ad

    Kadib kordhintii xilliga shaqada oo maalin kasta ah 8 saacadood iyo bar marka laga reebo khamiista, ayaa haddana waxaa wasiirada u dheer la-xisaabtan shaqada wasiir kasta oo Ra’iisal wasaaruhu toddobaad kasta laba jeer warbixin ka doonayo.

    Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu maalmaha Sabtida iyo Axadda ee todobaad waliba la fariisto Wasiirada, isagoo mid mid uga dhageysanaya waxa ay qabteen iyo howlaha horyaalla.

    Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa Saxaafada Muqdisho ugu sheegay in hadafka laga leeyahay qorshahan cusub ay tahay sidii loo dardar galin lahaa howlaha laga rabo Xukuumada Soomaaliya.

    Dhaqanka dowladeed ee uu la soo baxay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa culeys ku noqday wasiiro badan oo hore xilka u soo hayay, kuwaasoo aan arag wax xisaabtan ah iyo kormeer, wasiirada qaarkood oo dhibaato u arka xaaladda cusub ee ay galeen ayaa shaki ka muujiyay inay sidan ku sii shaqeyn karaan.

    Wasiir kasta ayaa laga rabaa inu xafiiskiisa ku sugnaado maalin waliba in ka badan 8 saacadood, isla markaana shirarka golaha wasiirada iska xaadiriyo saacadda loo qabtay, iyadoo laga joojiyay inuu ku lug yeesho kharash ka badan mushaarkiisa.

    Ra’iisal wasaarihii hore ee Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuusan weligiis kormeer ku tegin xarun wasaaradeed, isla markaana si gaara ula xisaabtamin wasiirada, marka laga reebo wasiirkii qorshe soo galo.

    Goobjooge.com

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,746FansLike
    1,345FollowersFollow
    3,613FollowersFollow
    131,746FansLike
    1,345FollowersFollow
    3,613FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!