Monday, July 14, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka careysiiyay taageerayaasha Kooxda Hiiraan/Shabeelaha Dhexe

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale

ayaa ka careysiiyay taageerayaasha kooxda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kadib markii uu meel fagaare ah ka sheegay inuu taageerayo kooxda Puntland.

Xaflad casuumaad ah oo gobolka Banaadir u sameeyay kooxda Puntland ayuu Yuusuf Madaale ka sheegay inuu kooxda Puntland ku taageeray ciyaarta qurxoon iyo farsamada ay soo bandhigeen, isagoo u u muujiyay taageero.

Taageerayaasha Kooxda Hiiraan/Shabelaha Dhexe ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir inuu ka soo jeedo Gobolka Shabeelaha Dhexe oo haddii uu cid taageerayo ay ahayd inuu taageero kooxdiisa ama uu ka gaabsado xafiiltanka ciyaaraha gobollada ee socda.

Waxaa sii kordhaya xiisaha ciyaaraha maamulada dalka ee ka socda garoonka Konis Stadium, iyadoo kooxda Jubba ay u soo baxday fiinaalka koobkan, kadib markii ay rigooreyaal uga badisay kooxda Gobolka Banaadir.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON