Masuuliyiinta Beerta Nabada ayaa shaaciyay inay maxkamad la tegi doonaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Maamulkiisa.
Maamulaha Beerta Nabada Maxamed Cabdi Jaamac oo oo shir Jaraa’id qabtay ayaa Warbaahinta u sheegay inay xaq u leeyihiin maareynta Beerta Nabadda maadama ay iyagu maalgashadeen heshiis rasmi ahna ugala wareegeen Maamulka Gobolka Banaadir.
Maamulaha ayaa sheegay inay Maxkamad la tiigsan doonaan Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, ee soo saaray in Beerta lacag la’aan tahay, ciddii doontana ay tegi karto.
DHAGEYSO