Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay go’aan la sheegay inuu ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Hiiran C/fataax Xasan Afrax oo ku saabsan in la iibiyo xerada Daraawiishta Wiilwaal ee magaalada Beledweyne oo la sheegay in laga iibiyay ganacsatom iyadoo ciidamo ka amar qaata guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ay dad deganaa xeradaasi saaka ka saareen.
Xaaladda ayaa ka sii dartay markii maamulka Degmada Beledweyna ka hor yimid arrintan, isla markaana odayaasha magaalada ay kulan ka yeesheen xaalada ay dalbadeen in la joojiyo iibinta xerada oo ah hanti qaran. Guddoomiye ku xigeenka B/weyne Bashiir Xuseen Dhoore ayaa ku eedeeyay in Guddoomiyaha Hiiraan uu doonayo inuu iibsado xerada daraawiishta sidoo kalena ay iibsadeen suuq ku yaala degmada B/weyne, wuxuuna sheegay inay arrimahan yihiin boob hanti qaran.
Wuxuu intaas ku daray markii ay joojiyeen in dadka laga saaro xerada daraawiishta ay goobtaasi tageen ciidamada Guddoomiyaha Hiiraan iyo istaafkiisa oo fara badan, arrintaasina aanay sidaas ku suuragelin doonin oo ay ka hor tegi doonaan.
Xiisad weyn ayaa ka jirta magaalada iyadoo guddoomiyaha Hiiraan la sheegay inuu ku adkeysanayo in xerada daraawiishta B/weyne la banneeyo ayna tahay amar ka soo baxay madaxda sare ee dowlada, waxaana arrintan si weyn uga horjeeda dhinacyo kala duwan oo maamulka magaalada iyo odoyaasha gobolka Hiiraan ugu horeeyaan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]