Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ku biiraya shirka Jowhar oo maraya heerkii ugu dambeeyay.
Yuusuf Dabageed oo hore uga hor yimid shirka Jowhar ayaa isbedelka ku yimid lagu tilmaamay inuu ka dhashay cadaadis wakiilada beesha caalamka saareen, waxayna siyaasiyiin uu ka mid yahay soo gaareen shalay magaalada Muqdisho.
Siyaasiyiinta reer Hiiraan ee Muqdisho yimid, kuna sii jeeda magaalada Jowhar waxaa ka mida guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasam Afrax. Labada guddoomiye ee gobolka Hiiraan waxay u sharxan yihiin madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.
Goobjooge.com