Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada ayaa ka daba yimid go’aano ka soo baxay Guddigiisa iyo Guddiga Doorashooyinka dadban oo lagu kansalay kuraas hore loo doortay.
Guddoomiyaha Guddigan C/risaaq Barre Jaamac ayaa soo saaray qoraal kooban oo uu ku sheegay inuusan weli soo bixin go’aan rasmi ah oo dacwooyinka dhan la qaadi doono muddo dhow.
AKHRISO QORAALKA GUDDOOMIYAHA GUDDIGA
Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka waxa uu la socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed in uu socdo baaritaan ay ku hubinayaan cabashooyin la xiriira in la musuqmaasuqay kuraas ka mid ah doorashooyinka ka socda dalka.
GMXKHDD waxaa u ku wargalinayaa dhamaan inta ay khuseyso dacwadaha aan gacanta ku heyno, in Guddigu uusan weli dacwadahaas go’aan ka gaarin. Muddo dhaw wuxuu Guddiga MXKHDD wuxuu bilaabayaa dhageysiga dacwadaha, dhinac walibana waxaan siineynaa fursad uu isku difaaco.
Arrimaha la xiriira Qoondada Haweenka ee 30% oo ay go’aamisay Madasha Hoggaanka Qaran, Guddiga MXKHDD waxa uu go’aan ka gaarayaa dacwadaha ay soo gudbiyaan Musharrixiinta Dumarka ah oo kaliya.
Cabdirazaaq Barre Jaamac
Guddoomiyaha, GMXKHDD