Guddoomiyaha Isbaheysiga xildhibaanada dhowaan lagu dhisay magaalada Nairobi ee la baxay Horusocod ayaa maanta yimid Muqdisho.Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa yimid Muqdisho maalin kadib markii isbaheysigaasi ay magaalada Nairobi ku dhiseen xildhibaano gaaraya 80, kuwaasoo la sheegay inay mucaarad ku yihiin dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xildhibaanada ka mida Isbaheysigan ayaa Goobjooge.com u sheegay inay ka shaqo bilaabi doonaan magaalada Muqdisho, iyagoo kulan xildhibaano ku qaban doona magaalada Muqdisho toddobaadkan gudihiisa.
Xildhibaanada wada qorshaha cusub ee Kutlada Horusocod ayaa weli Nairobi ku sugan, kuwaasoo la filayo inay Muqdisho yimaadaan, waxaana Magaalada Muqdisho ka taagan muran ka dhashay is urursiga cusub ee xildhibaanadan.
Goobjooge.com