Sunday, August 3, 2025

Guddoomiyaha KMG ah iyo Xoghayaha Baarlamaanka oo dhaariyey xildhibaanadii Ceelwaaq

Waxaa Galabta maqribnimadii magaalada Muqdisho lagu dhaariyey xildhibaannadii lagu soo doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Dhaarta ayaa ka dhacday Hotelka Decale, waxaana goobjoog ka ahaa Guddooomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka 11-aad iyo Xoghayaha, iyadoo la siiyey Aqoonsiga xildhibaannimada Baarlamaanka cusub.

Qoraal kasoo baxay Xogheynta Baarlamaanka ayaa lagu yiri: “Waxaan maanta la dhaariyey 16-kii Xildhibaan ee laga soo doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Jubbaland. Dhaarinta xildhibaanadaan ayaa Waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha KM ee Golaha Shacabka Mudane Amb. Cabdisalaan Axmed Dhabanacad iyo Xoghahaya Guud ee BFS Mudane Cabdikariim Cabdi Buux. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT”

Arrintan ayaa imaaneysa maalin ka hor doorashada guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo Muqdisho ka dhaceysa 27-ka Bishan April 2022.

Waxaa Muqdisho ku sugan xildhibaanno barbar socda kuwa Ceelwaaq oo qaab doorasho loogu sameeyay magaalada Garbahaarey, kuwasoo taageero ka heysta madaxweynaha xilkiisu dhamamaday ee Maxmaed Farmaajo.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 10 people, people sitting and people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON