Monday, June 23, 2025

Guddoomiyaha Mandhera oo Dowladda Kenya ka dalbaday inay C/rashiid Janan degdeg uga saarto degaankooda..

Guddoomiyaha Mandheera Cali Roba ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay inay Mandheera ku heyso wasiir baxsad ah oo ka tirsan Maamulka Jubbaland, kaasoo xaalad colaadeed ka abuuray magaaladaasi markii uu dagaal dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Mandhera Mudane Cali Roba ayaa sheegay in dagaalkii ay ciidamada Soomaaliya shalay qaadeen uu halis geliyay dadka iyo shaqaalaha dowladda ee Mandhera, wuxuuna amray maanta inay dhammaan shaqaalaha dowladda Guryahooda joogaan.

“Waxaan u sheegay dhammaan shaqaalaha degaankan ee Mandheera ku sugan inay xafiisyada iyo shaqooyinkooda isaga tagaan, inta aan xaaladda jirta qiyaaseyno..” ayuu yiri Cali Roba oo saaka soo saaray amarka shaqaalaha lagu kala diray iyadoo laga cabsi qabo in dagaal kale uu ka dhaco xuduudka Somalia iyo Kenya iyo magaalada Beledxaawo.

Ad

Dhammaan qeybaha dowladda iyo maamulka magaalada Mandhera ayaa xirnaan doona marka laga reebo xarumaha caafimaadka iyo Dab-damiska, wuxuuna Cali Roba sheegay inay heleen warar ku saabsan in labada ciidan ee dowlada Somalia iyo Jubbaland ay isu diyaariyaan inay mar kale dagaalamaan.

“Waxaa madaxda dalka Kenya kala hadalnay inay wax ka qabtaan joogitaanka Wasiirka la raadinayo ee Jubbaland -C/rashiid Janan-, balse ma jiraan wax tallaabo ah oo arrintaas loo qaaday..” ayuu yiri guddoomiyaha Mandhera oo ugu baaqay dowladda Kenya inay si degdeg Mandheera uga saarto Wasiir Janan iyo ciidamadiisa si ay nabadii degaankaasi usoo laabato.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON