Wednesday, July 2, 2025

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo ku xayiran Doolow iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya inay halkaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay iska hor imaad maanta ka dhacay magaalada.

Arrintan ayaa timid Kiis dacwad oo lagu qaaday Sarkaal lagu eedeeyay inuu baaris ku dilay wiil 22 sano jir ah oo lagu heystay Alshabaabnimo iyo dilkii Taliye Maxamed Aweys oo lagu dilay Beledwxaawo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegyaa inuu Doolow ku xayiran yihiin, laguna go’doomiyay Guddoomiyaha maxkamadda Sare Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo saraakiisha maxkamadda ciidamada. Sidoo kale waxaa garoonka ku sugan ciidamada Itoobiya.

Sarkaalka baaritaanka waday ee loo maxkamadeynayay dilka eedeysanaha oo lagu magacaabo Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble ayaa dacwadiisa lagu qaaday Doolow fadhigii koowaad, waxaana la sheegay in la doonayey in kiiskiisa loo wareejiyo Muqdisho isla maanta, balse maleeshiyaad diidan in sarkaalka laga qaado Doolow ayaa weerar ku qaaday garoonka.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay kaoso horjeedaan in sarkaalka loo soo wareejiyo Muqdisho, iyadoo dalbanaya in xukunkiisa lagu dhammeeyo Doolow, halkaasin lagula fuliyo Dil toogasho ah.

Waxaa iska hor imaadka ku dhintay taliyihii Amniga Garoonka Doolow Maxamed Xuseen Cabdullaahi (Ganey) iyo dad shacab ah, waxayna rasaas la isu adeegsanayey gaartay qeybta Itoobiya ee Dolo Addo oo qof shacab ah la sheegay inuu ku dhintay, halka dad kala ay ku dhaawacmeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON