26 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in xorriyadiisa la siiyo Xoghayaha ururka Saxafiyiinta SJS oo u xiran kiis dacwadeed ay kusoo oogtay Wasaaradda Warfaafinta.
Xildhibaannada ayaa ansixiyay soo jeedinta mooshinka, waxaana lagu daray ajandaha Kulanka Maanta, iyadoo ay Golaha Shacabka ka hadleen xildhibaanadii Mooshinka Diyaariyey oo sheegay inay baarayaan, soona caddeyn doonaan xariga Weriyaha oo lagu xadgudbay.
Dooda xildhibaannada ayaa salka ku heysay in Xoghayaha SJS Weriye Cabdalla Muumin si sharci darro ah loogu xadgudbay Xoriyadiisa, isla markaana Hay’adaha Garsoorka baaritaan lagu sameeyo, iyagoo dalbaday si degdega xoriyadiisa loogu celiyo.
Mooshinka ayaa u gudbay Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka, waxaana uu noqonayaa Qaraar kasoo baxaya Golaha Shacabka, iyadoo guddigu baarayo cidda Hotelka Jazeera ka afduubatay Weriye Cabdalla Muumin, sida lagu sheegay Mooshinka.
Magacyada xildhibaannadi saxiixay Mooshinka kiiska Weriye Cabdalla Muumin, waxay kala yihiin:
1. Xilldhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid
2. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow
3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
4. Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan
5. Xildhibaan Nasra Saalax Cabdi
6. Xildhibaan Duniya Cismaan Yuusuf
7. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif
8. Xildhibaan Maxamed Muxumed
9. Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamuud Daqare
10. Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir
11. Xildhibaan Cali Xasan
12. Xildhibaan Nasra Mahdi Caraale
13. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Ismaaciil
14. Xildhibaan Dr Saciid Maxamed Cali
15. Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed
16. Xildhibaan Aadan Maxamed
17. Xildhibaan Maxamed Cali Cumar
18. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar
19. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimu
20. Xildhibaan Faarah Cabdi Diini
21. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar.
22. Xildhibaan Sahuur Xaaji Culusow
23. Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble
24. Xildhibaan Cabdisamad Macalin Xasan
25. Xildhibaan Maxamed Shekh Nuur
26. Xildhibaan Nuuriya Aadan Ciise
