Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo lagu xiray Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Wararka laga helaayo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada amniga ayaa xireen Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaarin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Mudane Shaafi Raabi oo la sheegay inuu ka yimid Magaalada Brussles ee dalka Belguim-ka isagoo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay shirkii arrimaha Soomaaliya ayaa ciidamada Amniga Garoonka Muqdisho ay ka qaadeen Passport Diblomaasi ah oo uu watay, iyadoo xabsiga u taxaabay.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee ciidamada ammaanka ay u xireen Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland  oo sidoo kale ah Xoghayaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya. Xubno ka mid ah Rugta Ganacsiga Jubbaland oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay xarigga masuulkaan.

Saraakiisha ammaanka Garoonka Aadan Cadde iyo dowladda Soomaaliya ayaan weli ka n hadlin xariga loo gaystay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland iyo sababta xarigiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON