Guddoomiye ay doorteen Xubnaha Haweenkaah ee ku jira Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka (Sawirro)

0

Haweenka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa doortay guddoomiye u gaara, xafladan lagu dhisay Ururka Haweenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Aqalkiisa Sare.

Musaasbadda waxaa ka qeyb galay Senatarada Aqalka, Wasiirka Haweenka iyo Xuquul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Deqa Yaasiin Xaaji, Midowga Haweenka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guudiyo Guddoomiyaasha Haweenka ee Gobolka Banaadir,Madax ka socotay Hay’adda Hormarinta ee UNDP, Bulshada Rayidka iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka waxaa loo doortay Senator Shukri Adam Maxamed oo hogaamin doonta Ururkan, Guddoomiye ku xigeenada waxa loo ka la dortay Senator Deeqa Xasan iyo Senator Samsam Ibrahim Ali , halka Xoghayaha Guud loo doortay Senator Samsam Daahir Maxamuud iyo Khasnaji oo loo doortay Senator Fartun Cabdulqadir Faarax.

Nahiida Xuseen oo ku hadlaysay magaca UNDP ayaa balanqaaday  in wadashaqeyn dhow la yeelan doonto Hogaanka Ururkan Mideeynaya Haweenka Baarlamaanka, waxayna  balanqaaday taageero dhan walba ah.

Fanaanadda Caanka eeSoomaaliyeed Hibo Maxamed (HiboNuura) ayaa tix dardaaran ah oo qiirana ku dheehan tahay ka jeedisay Xafladdii maanta.

 Daawo Sawirrada: