Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 13 horjooge oo ka tirsan kooxda Alshabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee  Afrika (Africom) ayaa shaaciyey inay 13 xubnood oo ka mid ah Al-shabaab ku dileen weerar ay ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay iyagoo ku shaqeynaya iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerareen Xero tababar oo Al-shabaab ay ku leeyihiin koofurta Soomaaliya, halkaasna ay ku dileen 13 ka mida Al-shabaab.

Weerarka oo dhacay subaxnimadii 24-ka Disembar ayaanu taliska Mareykanka sheegin goobta ay ka fuliyeen weerarka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay sii wadeyso weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab iyada oo caawineysa Dowladda Soomaaliya,AMISOM iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON