Monday, June 23, 2025

Guddoomiye degmo oo Qarax Miino lagu dhaawacay & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Qarax lagu dhawacay gudooomiyaha degmada degmada Cadalle iyo qaar ka mida ilaaladiisa.

Qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, kaasoo qabsaday gaari uu la socday Guddoomiyeha degmada Cadalle Maxamed Muuse agagaarka degaanka Garsaale xilli uu ku socdaalayay jirka u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Dhaawaca Guddoomiyaha ayaa la geeyay isbitaalka Magaalada Jowhar oo markii hore uu ku socday, iyadoo wararku sheegayaan in dhaawaciisa uu yahay mid fudud, basle laba ka mida ilaaladiisa ay dhaawacyo culus soo gaareen.

Ad

Arrintan ayaa ka mida qaraxyo ku soo batay wadadda isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo Alshabab ay sii kordhiyeen howlgallada ay ka wadaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON