Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ka hadlay socdaalkii uu ku tegay magaalada Dhuumareeb ee Ahlu suna ka taliso ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay door weyn ka qaadaneyso dib u heshiisiinta Bulshada si loo soo celiyo xasiloonida Dalka.
Jawaab kulul oo guddoomiye Jawaari uu siiyay dadka ka hor yimid socdaalkii uu ku tegay Magaalada Dhuusamareeb ayuu sheegay inuu cid kasta oo u yeerata ugu tegayo degaankeeda, isla markaana aanu gorgortan ka galeynin midnimada iyo isu soo dhoweynta umadda Soomaaliyeed.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kulan la yeeshay qeybaha bulshada sida odayaasha iyo maamulka Ahlusuna, kadib socdaal muran badan dhaliyay oo uu ku tegay magaaladaasi.
“Geed dheer iyo geed gaaban waan u koreynaa raadinta maslaxada Ummadda Soomaaliyeed, cidkasta oo noo yeerata waan u tegeynaa, sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan dowladnimada xoojino oo qeyb ay ka noqdaan cidkasta oo Soomaaliyeed, magaca golaha shacabka iyo kan Xildhibaanada waxaan idin leeyahay mahadsanidin waxkasta oo aad qabateen,
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xusay in Baarlamaanka Soomaaliya uu markasta u taagan yahay ilaalinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed, isagoo Ahlusuna ugu mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ugu ogolaadeen codsigii ay u jeediyeen.
Goobjooge.com