Guddoomiye Jawaari oo kashifay Shan Saddex Arrimood oo ku Qarsoonaa Mooshinka laga keenay [DAAWO KHUDBAD QIIRO LEH]

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad qiiro leh oo caawa jeediyay ayaa faafhaahin ka bixiyey xiisadda ka dhalatay mooshinka laga keenay ee uu hore u jebiyay, isagoo kashifay saddex arrimood ku qarsoon Mooshinka.

SAXIIX UU DIIDAY

Prof. Jawaari ayaa markii ugu horeysay shaaciyey inuu diiday saxiixo arrimo uu ku tilmaamay kasoo horjeeday nidaamka, mabda’ iyo amaanada loo dhiibay, arrintaas oo aanu faahfaahin ayaa la sheegay inay ku saleysan tahay isku dhac dhex maray isaga iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.

BURBURINTA BAARLAMAANKA

Wuxuu kaloo sheegay in aan isaga kaliya loo jeedin oo uu yahay shaqsi, isaguna uu yahay marinkii la mari lahaa kaliya, balse lagu doonayo in lagu burburiyo awoodda Baarlamaanka oo duullaan lagu yahay, isagoo ku celceliyay in baarlamaanka oo sal u ah dowladda la kala tuuro oo ay ku dhacdo sidii Baarlamaankii 8aad.

BAARLAMAAN LA QABSADAY

Qodobka kale ee ugu weyn khudbadiisii Caawa ayuu marar badan ku celceliyay in weerar lagu soo qaaday xaruntii Baarlamaanka oo ay qabsadeen ciidamo uu soo amray Ra’iisal wasaaraha Xasan cali Kheyre, ayna dhacday in hay’adii fulinta ay ku duushay xaruntii baarlamaanka, iyadoo ciidamadii ilaalada laga saaray Baarlamaanka.

Arrintan ayaa waxaa ka dhalanaya inaan wax shir ah lagu qaban karin xarun ay heystaan ciidamo xukuumadda ka amar qaata oo haddiiba la galayo mooshinka ay tahay meel dhexdhexaad ah lagu qabto shirka Baarlamaanka ama laga dul qaado ciidamada qabsaday.

BAAQ

Baaq culus ayuu u diray xildhibaannada Golaha shacabka isagoo ugu baaqay inay badbaadiyaan Baarlamaanka, baaqaas oo aan la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan xildhibaannada kala qeybsan.